Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoosta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku bur buriyeen fariimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen.
Deegaanada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen waxaa ka mid ah God Doonfaar, Xaluushin, Diidow, Buulo Dhagaxow, Bulo Mcalin, Duurey iyo Banyaale oo ka wada tirsan Degmada Balcad.
Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali Madaale Qaran oo hogaaminayay cidamada howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ciidamada ay bur buriyeen xarumo badan oo isugu jira goob ay ku maleeshiyada ay Al-Shabaab ku qaadi jirtay lacagaha baadda ah iyo goob maxkamad beenaad u ahayd oo ay ku dhibaateeyn jireen bulshada.
Intii uu socday howlgalka ayaa waxa ay sidoo kale ciidamada gacanta ay ku dhigeen tiro maleeshiyaad ah iyo horjoogayaashooda oo caan ka ahaa deegannada howlgalka laga sameeyay ee hoosyimaada Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Bulshada ku nool deegannada howlgalka laga sameeyay ayaa aad u soo dhaweeyay ciidamada dowladda, iyagoo dareemay naxariista dowladnimada kaddib markii saraakiisha ciidamada hogaamineysay ay xog wareysi la yeesheen bulshada halkaas ku nool.