Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno ka mid ah Gobalka Shabelaha Hoose ku soo qabtay tiro ka mid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, isla markaana gubay xarun ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahayd deegaanadaas.

Deegaanada ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa kala ah Aliyow Baarow, Doonka Aw guudle, Buusleey, Galooy, Xarbiga, Warta Mursal, Bulo ay Famey  iyo deegaanno kale, halkaasi oo ay argagixisada dhibaatooyin ku hayaeen shacabka deegaannadaas, waxaana ciidamada ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannada ay howlgallada ka fuliyeen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliye Cabdullahi Mustafa Cali Madaale Qaran oo hogaaminayay howlgalka, uuna ku wehlinayo Taliyaha ururka 64aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Cali Cabdullaahi (Xalac) ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood lagu qabtay qoryaha fudud ee sida AK47, lana gubay goob ay dadka ku xiri jireen, waxaana ay ciidamada sii daayeen dadkii ay dhagarqabaayasha maxaabiis ahaan u heysteen.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay diyaar uyihiin in ay difaacaan dalkooda, dadkooda iyo Diintooda, isla markaana aysan ka daali doonin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa cadowga laga xoreynayo deegaaannada ay kaga suganyihiin qaar ka mid ah Gobollada dalka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Guddiga farsamada Doorashooyinka oo ka hadlay shir uga furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Guddiga farsamada Doorashooyinka oo ka hadlay shir uga furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Guddiga farsamada Doorashooyinka oo ka hadlay shir uga furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In