Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo howlgallo ku dilay ajaanib iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgallo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed lagu dilay lix horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaad Al-Shabaab, kuwaasi oo ku kala sugnaa deegaanada Leego iyo Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howgallada oo socday horaantii todobaadkan ayaa ciidamada wada jirka ah waxa ay ku dileen Lix ka tirsan horjoogayaasha sare sare ee Al-Shabaab oo ajaanib ay ku jirtay, kuwaasi oo kala ah Aadan Baale oo Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, Sheikh Mohamed Ali ku-xigeenka labaad ee horjoogaha Shabaab ee deegaanka Janaale, Mohamed Abribao, Hassan Ali Dole oo Shabaab dhanka amniyaadka ugu xilsaarnaa gobolka Shabeellaha Hoose, nin u dhashay dalka Yemen oo magaciisa lagu soo koobay “Abu Islam” nin Kenyaan u dhashay oo lagu magacaabi jiray  Sheekh Mansur oo u qaabilsanaa dhanka tababbarada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

General Sam Okiding oo u AMISOM u qaabilsan Sector 1 ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada AMISOM oo gacan ka helaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana lagu guuleystay in lagu furo waddooyin ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Shabaab oo  ay dadka ku dhibaateyn jireen.

General Sam Okiding ayaa intaa ku daray in howlgallada la sii joogteyn doono, si guud ahaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose looga cirib tiri lahaa haraadiga Al-Shabaab.

Previous Post

Casho sharaf loo sameeyay wafdi ka socda dowladda Masar “SAWIRRO”

Next Post

Kooxo hubeysan oo dhaawac u geystay mudane ka tirsan baarlamaanka

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Kooxo hubeysan oo dhaawac u geystay mudane ka tirsan baarlamaanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In