Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga oo Howlgal ka fuliyay wadada xiriirisa Baydhabo iyo Deynuunaay+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xoogga oo Howlgal ka fuliyay wadada xiriirisa Baydhabo iyo Deynuunaay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa howlgal lagu baacsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay wadada xiriirisa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo deegaanka Deynuunaay.

Wadada oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa inta badan shacabka ku safra waxay dhibaato handadaad kala kulmaan araggixisada Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ku soo gala wadadaas.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Sidoo kale, Howlgalka ayaa waxaa bar bar socday geedo jaris iyo balaarin lagu sameynayay wadada xiriirisa deegaanka Deynuunaay iyo magaalada Baydhabo, tallabadaas oo ay shacabka bogaadiyeen.

Waxaana Ciidamada Intii Howlgalka ay ku jireen Wadada kala Kulmeyeen Gawaari ay saaran yihiin Shacab  Kuwaas oo ku Farxa marka ay arkaan Gawaarida Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 8-aad qeybta 60aad  Gaashanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad dheere ), Taliyaha Howlgelinta  Qeybta 60aad Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Gaashanle Dhexe Xasan Aadan Yarow iyo Saraakiil kale.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa wadada kula kulmay shacab ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan uguna mahadnaqay Geesiyaasha Qaranka in ay ka dul qaadaan dhagarta argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nur Maxamed (Mad dheere)  ayaa sheegay in ay ciidanka sii laba jibaarayaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaabka caadeystay in ay dhibaateeyaan shacabka safaraya.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa Mudooyinkii dambe xoojiyey Howlgalada lagu ciribtireyo Kooxda Waqtigoodi Dhamaadey ee Nabad-diidka Al-shabab.

Previous Post

Obama ayeeyadiis oo ku geeriyootay galbeedka Kenya

Next Post

Madaxda maamul goboleedyada oo la kulansan Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Madaxda maamul goboleedyada oo la kulansan Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya+Sawirro

Madaxda maamul goboleedyada oo la kulansan Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In