Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka booliska Galmudug oo gaari la soo dhacay ku wareejiyay Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ciidanka booliska Galmudug oo gaari la soo dhacay ku wareejiyay Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka booliska Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ku guuleeystay inay gacanta ku soo dhigaan gaari land cruser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada gobalka Mudug.

Gaariga ayaa laga soo dhacay saddex maalin ka hor deegaano ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Puntland isla markaana loola soo baxsaday dhanka deegaanada Galmudug.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug ee Galmudug Gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in burcaddii gaariga soo dhacday lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, kuwaasi oo uu sheegay inay ku xiranyihiin saldhiga magaalada Gaalkacyo.

“Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka darawalkii gaariga u waday, waxaana uu damcay in uu gato, isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug, laakiin nasiib wanaag waxay noqatay Wasiirka gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiga uu ku jiro” ayuu yiri Taliyaha qeybta booliska Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka ee dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa dhankeeda uga mahad celisay ciidanka booliiska Galmudug sida ay markasta ugu heelanyihiinn ka hortagidda falalka noocaan oo kala ah iyo in lagu wareejiyo gaarigeedii oo badqaba, waxaana dhanka kale Wasiirku ay soo dhaweeysay wada shaqeynta ciidamada booliska Gobalka Mudug ee Galmudug, iyadoo ugu baaqday in ay sii xoojiyaan howsha lagaga hortagayo cid kasta oo isku dayda in falal ammaanka wax u dhimi karta ay ka sameyso deegaannada gobalka Mudug.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sheegay in adeegga Garsoorka la gaarsiin doono guud ahaan dalka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In