Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Danab oo howlgala ballaaran ka fuliyay tuulooyin hoostaga Baladul-Amiin iyo Tooratoorow+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Danab oo howlgala ballaaran ka fuliyay tuulooyin hoostaga Baladul-Amiin iyo Tooratoorow+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ee ayaa wada howlgalo  ballaaran oo lagu lagu xaqiijiniyo Aminga Wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada walweyne ee Gobalka Shabeelada Hoose,si looga hortago dhibaatooyinka maleeshiyada Alshabaab ay shacabka u geysan jireen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Ciidanka Danab ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay lana wareegay deegaano hor leh oo ay shacabaka lacago baad ah kaga qaadi jireeen maleeshiyada Alshabaab,islamarkaana ay ku dhibaateyn jireen.

Deegaanada ay ciidamadu gaareen waxaa kamid ah Tulooyinka Godale, Cadalay,Luqamaan,Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga degmada Toora Toorow ee gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deeganadaasi ka sameeyeen,wuxuuna xusay in maleeshiyadii ALshabaab ay halkaasi isaga carareen,kadib markii ay dareemeen culeysyada kaga yimid ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Danab.

Argagixisada Alshabaab ayaa deegaanadaasi waxaa ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah,taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo weli baacsanaya firxadka Alshabaab,oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga fog ee gobolkaasi SHabeelada Hoose.

Ujeedka ugu weyn ayaa ah in shacabku ay si nabad ah ku maraan wadada isku xirta Walaweyn iyo Muqdisho,maadaama horey ay Alshabaab dadku ku dhibaateyn jireen.

Previous Post

Madaxda Qaranka oo ka qayb galay salaada janaasada wasiir ku xigeenkii shaqada iyo arrimaha bulshad JFS

Next Post

Tababar lagu baranayo wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka oo ka furmay Baydhabo+Sawirro

Next Post
Tababar lagu baranayo wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka oo ka furmay Baydhabo+Sawirro

Tababar lagu baranayo wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka oo ka furmay Baydhabo+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In