Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda oo bur buriyay baro ay si dhuumaleysi ah u sameysteen Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howgallo ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ku bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaasi oo ka mid ah goobo ay ka soo duuli jireen.

Howlgalkan oo bilowday xalay ayaa ciidamadu waxa ay ku bartilmaameedsanayeen barro si dhuumaaleysi ah ay maleeshiyaadka Shabaab uga sameysteen deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weeraro qarsoodi ah oo ay ku qaadi jireen deegaanka Lafoole iyo goobo kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ciidamada oo mid mid u baarayay baraha ay xogtooda hayeen ayaa ku guuleystay inay bur buriyeen fariisin qarsoodi u ahayd maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, halkaasi oo ay ciidamadu ka heleen waxyaabo ay goobta uga carareen maleeshiyada Shabaab ee deegaankaasi ku dhuumaaleysan jirtay.

Howlgalladan lagu bartilmaameesanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah mid lagu cirib tirayo deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo howlgalkii xalay lagu bur buriyay ay dhabar jab u tahay maleeshiyaadka doonayay inay si qarsoodi ah u sameystaan baro ay bulshada ka dhibaateeyaan.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo guda galay sameynta guddi hoosaadyada baarlamaankaasi

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In