RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.
Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyadoo la burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan.
Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay, maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayayna waa la kala firdhiyay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.
Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo xarumaha iyo abaabulka maleeshiyaadka Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo isku dayada argagixiso.
Macluumaad dheeraad ah:Fadlan wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.










