Ciidamada Jabuuti ee ka qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qalab isboorti oo dhameeystiran ku wareejiyay xiriirka kubbada cagta ee Gobalka Hiiraan iyo kan Degmada Beledweyne si loogu horumariyo ciyaaraha Gobalka.
Munasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka isboorti waxaa ku sugnaa Maamulka Gobalka, Sarakiisha Jabuuti iyo Uruurada Bulshada degmada, waxaana Madaxda ciyaaraha ay ka mahadceliyeen agabka isboorti ee ay Jabuuti ugu deqeen.
Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkooda uu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada, isagoo ciidamada AMISOM gaar ahaan Walaalaha Jabuuti uga mahadceliyay qalabka isboorti oo ay soo gaarsiiyeen xiriirka kubadda Cagta ee Gobolka.
Guddoomiyaha ayaa faah faahin ka bixiyay waddooyin dib u dhis lagu sameynayo oo ka socda magaalada Beladweyne, kuwaasi oo uu tilmaamay inay meel gabo gabo ah mareyso, isagoo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan waddooyinka dib u dhiska lagu sameynayo, ayna ka qeyb qaataan horumarinta gobolka.