Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Durduro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Durduro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Kumaandooska Danab ee CXD ayaa howlgal gaar ah oo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed (Mascuud). Horjoogahan ayaa u qaabilsanaa kooxda samaynta iyo aasidda miinooyinka lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaaladiisii ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay howlgalkaas.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale howlgal kale oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Baaritaanno amni ayaa si joogto ah uga socda deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida tuulooyinka ku teedsan.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Dhanka kale, Subaxnimadii hore ee maanta, maleeeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo wata ku qaaday ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda ayaa Kooxaha Khawaarijta ee weerarkaas gardarrada ah soo qaaday dagaal culus oo saacado qaatay la galay, ayadoo Intii uu socday dagaalkaas, jab xooggan la gaarsiiyey maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee kusoo duulay magaalada, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka oo haatan ku sugan duleedka Maxaas, ayaa wada abaabul ballaaran oo dib loogu xaqiijinayo nabadgelyada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku waxay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga horjeedaan Kooxaha argagixisada, waxayna dhiigga u bixinayaan difaaca diinta, dadka iyo dalka.

 

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN-WOMAN

Next Post

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanaal fal dambi ah galay

Next Post
Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanaal fal dambi ah galay

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanaal fal dambi ah galay

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In