Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka NISA oo hawgallo ku dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Radio Muqdisho: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah.

Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

DHAMMAAD

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Next Post

Wasiir Fartaag oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya

Next Post
Wasiir Fartaag oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya

Wasiir Fartaag oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In