Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya (CXD) ayaa howl-gallo lagu xaqiinayo amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxa ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howl-gallada oo qayb ka ah xaqiijinta halbeegyada tubta amniga iyo caddaaladda iyo qorshaha baacsiga kooxaha argagaxisada ah ayaa si nabad ah ku dhacay, waxaana deegaannadaas ku xeeran waddada dheer isaga cararay Maleeshiyaadkii Shabaab ee shacabka ku dhibaatayn jiray.
Ciidanka howl galka fuliyay oo qayb ka ah ciidamada loo qorsheeyay in ay shacabka ku dhaqan goballada Shabeellooyinka ay ka dul qaadaan cadawga, ayaa waxa ay saldhigyo waawayn ka samaysteen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow si looga hor tago dhibaata dambe oo loo gaysto gaadiidka iyo dadka safarka ah ee isaga goosha magaalooyinka.
Ciidanka oo wada howl-gallo is-daba joog ah oo lagu dardar-gelinayo qorshaha xasilinta dalka ayaa waxa ay maalmo ka hor xoreeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u taagan bad-baadada dhiigga iyo hantida Shacabka ayaa sii wadaya baacsiga argagaxisada ilaa laga saaro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan.