Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanada Gobolka Mudug

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanada Gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka wadaan deegaanada Cammaaro,Bacaad weyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug,kuwaasi oo la doonayo in guud ahaan Al-Shabaab lagu ciribtiro.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 21-aad, Generaal,C/llaahi Aadan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in hadda howlgalada ay ka socda aagaga Cammaara,Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos yimaada,isagoona dhanka kale tilmaamay in xaaladda ay tahay mid degan.

“ Waa howlaheenii caadigaa,waxay hadda howlgalo ka socdaan deegaanada aagaga Cammaaro,Bacaad weyn ilaa iyo lagu dhawaado deegaanada kale ee hoos yimaada,xaaladuna wey degan tahay hadda,” ayuu yiri Taliyaha 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka C/llaahi Aadan Xuseen.

Wuxuu sheegay Taliyaha in Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanadda haatan howlgalada ay ka wadaan iney yihiin burcad lacageed,islamarkaana dadka deegaanka ay carruurta ka afduubaan,xoolahana ka dhacaan loona baahan yahay in si wadajir ah Shacab iyo ciidanba loola dagaalamo.

“Nimankaan Nabad diidka ah waa Burcad lacageed,carruurtey Afduubanayaan oo dadka ay kala dhex baxayaan,Xoollaha ayay ka dhacayaan,lacag baad ah ayay weydiinayaan dhibaatooyinkaasi ayaanu ka hortageynaa Haddii Illaahey yiraahdo,” ayuu yiri Generaal C/llaahi Aadan Xuseen.

Dad badan oo ka soo cararay deegaanada Maleeshiyada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Galmudug ayaa hadda maciinsanaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado,kuwaasi oo Xoolihii ay lahaayeen ay ka dhaceen Kooxda Nabad diidka ah.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dadaal ugu jira sidii Maleeshiyada Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada fara ku tiriska ee kaga sugan yihiin dalka si Shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo nolol una heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah ay u baahan yihiin.

SHARE

Facebook
Previous Post

FAALLO:- Dhirtu waa Nolole waa in la dhowraa

Next Post

Wabiga Jubba oo Fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo+Sawirro

Next Post
Wabiga Jubba oo Fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo+Sawirro

Wabiga Jubba oo Fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In