Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hawlgal sifayn ah ka sameeyay degmada Ruunirgood iyo deegaannada hoostaga ee gobalka Shabeellaha dhexe.
Hawlgalladaan sifaynta ah ayaa lagu baacsanayay maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay inay deegaannadaan si dhuumaalaysi ah ku soo galaan ayaga oo dhibaataynaya dadka shacabka ah.
Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan degmada Runirgood iyo deegaannada hoos taga ay yihiin kuwa nabad ah, isla markaana ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay diyaar u yihiin inay si wadajir ah isaga difaacaan khawaarijta.