Geesiyaasha Qaranka, gaar ahaan Ururka 143-aad, guutada 14-ka October ee Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa galinkii dambe ee maanta illaa caawa howlgalo culus oo ka dhan ah Khawaarijta kawaday tuulooyinka kala ah Mareereey, Moordiile, Raqayle, Caanoole iyo Sabiid oo dhamaantood hoostaga degmada Afgooye Gobalka Shabeelaha Hoose.
Libaaxyada Xoogga ayaa guulo hor leh ka gaaray howlgalkan, iyagoo Khawaarijtii gabaad-saneysay ka saaray goobo ay ku jiraan dhul beereedyo ay shacabkii lahaa ka hor istaageen inay tabcadaan.
Ciidanka ayaa ku guuleystey inay xaqiijiyaan amniga guud ee tuulooyinka ay cagta mariyeen, waxaana howlgalkan Hoggaaminaya Taliyaha Ururka 143-aad, guutada 14-ka October ee Ciidanka dhulka xoogga dalka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad.