Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay howlgalo xoogan ay ka wadaan deegaano ku yaala inta u dhaxaysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burde.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inta ay socdeen howlgaladaan lagu soo qabtay ilaa iyo Shan qof oo lala xariirinayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.
Sidoo kale Sargaalkaan ayaa sheegay in howlgaladaan haatan ay wali socdaan isla markaana qorshuhu uu yahay in Shacabka laga duqlqaado dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku haayaan shacabka.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobalka Hiiraan howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada qaar ay ku laayeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.