Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kala ah “Buulo Arundi. Malable. Siigaale bari. Busley daa’uud iyo beeraha baay” oo ay Argagixisada isku uruursanayeen ka sameeyay howlgalo balaaran oo ay ku burburiyeen fariisimo Argagixisada ay ku lahaayeen halkaas iyo maxkamad beeneedyo ay shacabka ku baadiyeeyeen.
Inta ow howlgalka socday Ciidanka xoogga ayaa gurmad ballaaran u sameeyay shacabka ku nool Tuulada Siigaale bari oo ay argagixisada ka gubeen guryahooda iyo dalagi u baxay sanadkan.
Howlgalka oo uu hoggaaminayay Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14Oct laba xidiglle Cali Mahdi Beerdiide ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Abaanduulka ururka 83-aad iyo guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasadda deegaanka Janaale.