Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gacan ka helaya saaxiibbadooda Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsan Malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.
Howlgalkan qorsheysan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellada hoose, ayaa lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab oo qaabilsanaa maalgelinta falalka argagixisanimo ee kooxdu ay ka fuliyaan Dalka, kuna beegsadaan Dadka maatida ah.
Horjoogeyaashan la khaarijiyay ayaa sidoo kale Al-Shabaabka u qaabbilsanaa soo ururinta xoolaha ay shacabka nawaaxigaasi ku dhaqan sida qasabka ah ugu qaadaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka, waxaa ka goโan in ay si aan kala goโ lahayn u beegsato argagixisada arxanka daran, illaa laga cirib tiro Dhulkeenna oo dhan Dadkeennuna nabad iyo xasillooni ay ku noolaadaan.