Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno deegmada Ceel Cali ee gobalka Hiiraan qiyaas ahaan 75 kiloo mitir dhinaca galbeed kaga beegan Magalada Baladweyn ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaab ay isaga baxeen.
Arintaan ayaa waxaa ay timid kadib markii Ciidanka Dowladda Federaalka barqonimadii maanta ay dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabeen galbeedka gobolka.
Saraakiisha horkacaayo Ciidamada ayaa tilmaamay in howlgalka yahay sidii maleeshiyaadka looga saari lahaa dhamaan deegaanada dhaca galbeedka.
Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgalo saf balaaran ah oo lagula dagalaamayo Argagaxisa caadeystay dhibaatada shacabka islamarkaana iska kaashanayaan Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka.