Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa  Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan  waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Howl-galkaan ayaa ahaa mid qorsheysan waxa ayna Ciidamada Xoogga ee Danab ay ku qaadeen gooba looga shakisnaa inay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab .

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026

Ciidamada Xoogga dalka ayaana gacanta ku dhigay hal nin oo looga shakinsanyahay inuu ka tirsanyahay argagixisada kaddib markii loogu galay guri uu ka deggenaa deegaanka .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidanka Danab ayaa ku dhaawacmay howlgalka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada.

Deegaanka Wargalo ayaa qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Bari kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howlgallo uga sameeyay deegaanno badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysanyeen kooxaha Argagixisada Al-Shabaab.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wabiga Shabeelle oo saameeyay qiimaha Qudaarta ee Suuqyada Jowhar+Sawirro

Next Post
Wabiga Shabeelle oo saameeyay qiimaha Qudaarta ee Suuqyada Jowhar+Sawirro

Wabiga Shabeelle oo saameeyay qiimaha Qudaarta ee Suuqyada Jowhar+Sawirro

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In