Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad rayid ah dhacayay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
-5 June 2016Ciidanka kumaandooska oo maleeshiyaad ku dilay deegaanka Beerxaani
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dilay shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo uu ku jiray horjoogihii argagixisada hogaaminayay.

Ciidamadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in deegaanka Baladul Amiin  ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku suganyihiin, isla markaan ay dhibaato ay ka mid tahay dhac iyo qafaalasho ka wadaan deegaankaas.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Ciidanka lugta ee ka tirsan Xoogga dalka oo ka jawaabayay cabashada dadka deegaanka Baladul Amiin  oo durba gaaray halkaasi, ayaa weerar aan waqti badan qaadan ku diley shan meleeshiyaadka Argagixisada ah iyo Horjoogihi watay kooxdaan la soo qalday.

Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa ayaa balan qaaday in aan loo laga soo jeesan doonin ilaa inta laga sifeynao argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaysa meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Majirto wax qasaare ah oo gaaray dadka ku nool deegaanka Baladul Amiin  oo horay dhibaato iyo qafaalba ugu haayeen argagixisada, balse ay ciidamada ku guuleysteen inay baabi’iyaan maleeshiyaadkii halkaasi dadka rayidka ah ku dhibeysay.

Deegaannada ay ciidamadu gaareen oo ay la wareegeen waxaa ka mid ah Tulooyinka Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa deegaanada kor ku xusan waxa ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah, taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka, kuwaasi oo weli baacsanaya firxadka Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada miyiga fog ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Shacabka ku nool deegaannada ay ciidamada xoogga dalka gaareen waxa ay tilmaameen inay aad ugu faraxsanyihiin sida ciidanka ay uga dulqaadeen argagixisada dhibaatada ku heysay, iyagoo balan qaaday inay la shaqeynayaan ciidamada xoogga dalka, si guud ahaan Gobolka looga cirib tiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

 

Previous Post

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay wada hadallada Galmudug

Next Post

Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Next Post
Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In