Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad rayid ah dhacayay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
-5 June 2016Ciidanka kumaandooska oo maleeshiyaad ku dilay deegaanka Beerxaani
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dilay shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo uu ku jiray horjoogihii argagixisada hogaaminayay.

Ciidamadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in deegaanka Baladul Amiin  ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku suganyihiin, isla markaan ay dhibaato ay ka mid tahay dhac iyo qafaalasho ka wadaan deegaankaas.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Ciidanka lugta ee ka tirsan Xoogga dalka oo ka jawaabayay cabashada dadka deegaanka Baladul Amiin  oo durba gaaray halkaasi, ayaa weerar aan waqti badan qaadan ku diley shan meleeshiyaadka Argagixisada ah iyo Horjoogihi watay kooxdaan la soo qalday.

Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa ayaa balan qaaday in aan loo laga soo jeesan doonin ilaa inta laga sifeynao argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaysa meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Majirto wax qasaare ah oo gaaray dadka ku nool deegaanka Baladul Amiin  oo horay dhibaato iyo qafaalba ugu haayeen argagixisada, balse ay ciidamada ku guuleysteen inay baabi’iyaan maleeshiyaadkii halkaasi dadka rayidka ah ku dhibeysay.

Deegaannada ay ciidamadu gaareen oo ay la wareegeen waxaa ka mid ah Tulooyinka Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa deegaanada kor ku xusan waxa ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah, taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka, kuwaasi oo weli baacsanaya firxadka Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada miyiga fog ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Shacabka ku nool deegaannada ay ciidamada xoogga dalka gaareen waxa ay tilmaameen inay aad ugu faraxsanyihiin sida ciidanka ay uga dulqaadeen argagixisada dhibaatada ku heysay, iyagoo balan qaaday inay la shaqeynayaan ciidamada xoogga dalka, si guud ahaan Gobolka looga cirib tiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Previous Post

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay wada hadallada Galmudug

Next Post

Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Next Post
Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In