Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida Mareykanka oo ka furmay Columbus Ohio “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida Mareykanka oo ka furmay Columbus Ohio “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Ciyaaraha xagaaga ee sanadwalba lagu qabto Columbus ayaa sanadkii 18aad ka furmay magaaladda Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Furitaanka ciyaarahan ee sanadkan 2018 waxaa xaflad furitaan ah loogu sameeyay gudaha Garoonka oo ay ciyaartu ka bilaabanayso manta oo Khamiis ah 03/29/18 waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah abaabulayaasha koobka xagaaga,Deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya koobkan sanad walba, Ciyaartooy, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ciyaarahan oo ay kooxo baddan sanadwalba ka soo qeybgalaan waxaa ay kooxuhu ka kala yimaadaan goboladda Mareykanka iyo Canada, waxaana dhex mara tartan aad u xiiso baddan oo koox walba ku muujinayso qibradeeda ciyaar.

Bashiir Geelle oo ah Madaxa barnaamijkan Columbus Indoor Soccer Cup oo ka hadlay furitaanka ayaa ku dhawaaqy in ciyaaraha ay furmeen manta oo khamiis ah ayna socon doonaan ilaa iyo maalinimada Axada ee nagu soo aadan, isaga oo ka codsaday Kooxaha kala duwan ee ka yimid goboladda in ay muujiyaan Aadaab, Ixtiraam iyo Ciyaar wanaag taas oo ay ku mutaysan doonaan abaalmarin iyo bilado.

Flickinger Legal Group oo ah labo Nin oo looyaro ah ayaa sanad walba ka qeyb qaata dhiira galinta dhalinyarada isla markaana ka gaysta taageero buuxda, waxayna inta badan marwalba garab taaganyihiin Kooxda ka socota Columbus Ohio oo ay ku dhiirogaliyaan in ay muujiyaan ciyaar wanaag.

Sahid Ali oo ah aqoonyahan wax baddan la shaqeeyay ciyaarahan ayaa dhankiisa dhalinyarada ku dhiirogaliyay ahmiyada ciyaaraha iyo in ay ogaadaan in dalkoodii hooyo in ay u ciyaaraan laga sugayo.

Macalin Qarindi oo ah tababarihii Koobka u soo hooyay Jubbaland ciyaarihii u danbeeyay ee goboladda Soomaalia ayaa dhankiisa ka sheekeeyay waxii uu ku soo arkay Somalia iyo sida loogu bahanyahay in la helo kooxo aad u dhisan oo la ciyaara kooxaha ku sugan Soomaaliya si loo helo awood ciyaartooy oo dalka matali karta mustaqbalka.

Fanaanka Caankaa Ahmed Rasta ayaa dhankiisa dhalinyarada ku guubaabiyay ciyaaraha iyo in ay muhiim u yihiin ciyaarahan dhalinyarada qurbaha joogta si ay uga nabadgalaan dhibaatooyinka mustaqbalka haleeya.

Ismacil Mohamed oo ah Musharax xildhibaan oo u ordaya xaafada 25 ee magaalada Columbus ayaa ugu hanbalyeeyay dhalinyarada ka shaqeeysa sanad walba qabashada ciyaarahan isaga oo dhanka kale Soomaalida Columbus ka codsaday in ay soo baxaan oo ay codkooda siiyaan si uu bari u garab istaago Jaaliyadda oo hadii ay xubin ku yeeshaan baarlamaka heli doona xaquuq imina ka maqan.

Ciyaarahan oo sanadkii 18aad la qabanayo waxay abuuraan is dhexgal bulsho iyo isku imaatin saaxiibo xiliyo aan is arkin waxayna dhiirogalin u noqotaa dhalinta jecel Sportska oo ka hela waqti ay ku muujiyaan awoodooda ciyaareed.

Deeqo Shire (SONNA)
Previous Post

Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Soomaalida ku xir-xiran xabsiyada Maraykanka oo xaaladdooda laga soo deyrinaya

Next Post
Soomaalida ku xir-xiran xabsiyada Maraykanka oo xaaladdooda laga soo deyrinaya

Soomaalida ku xir-xiran xabsiyada Maraykanka oo xaaladdooda laga soo deyrinaya

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In