Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Colaaddii Bariga Gobolka Mudug oo lagu wado in saacadaha soo socda xal waara laga gaaro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Colaaddii Bariga Gobolka Mudug oo lagu wado in saacadaha soo socda xal waara laga gaaro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiisha qeybta 21 aad ee xoogga dalka ayaa wada dadaallo lagu xalinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaannada Bariga Gobolka Mudug ee kala ah Afbarwaaqo iyo Tawfiiq.

Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hogaaminayay wafdiga saraakiisha ah ee gaaray deegaannada lagu dagaalamay ayaa ku guuleystay inay kulamo gaar gaar ah la qaateen waxgaradka beelaha Walaalaha ah ee ay dirirtu dhex martay, waxaana uu intaa ku daray in haatan uu meel gabo gabo ah marayo dadaallada lagu heshiisiinayo labada dhinac.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Shirka lagu heshiisiinayo beelaha Walaalaha ah ee ku dagaallamay bariga Gobolka Mudug

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamay in saacadaha soo socda ay waxgaradka labada beelood shaacin doonaan inay qaateen nabadda, ayna diyaar u yihiin inay dhaqan geliyaan heshiiska haatan laga gaaray colaadda.

“Howlaha aan wadno waa nabadeynta beelaha Walaalaha dagaallamay, haddana meel fiican ayay mareysaa, Insha Allah saacadaha soo socda waxaan rajeynayaa in labadii beelood oo wada jooga ay ku dhawaaqi doonaan inay Nabad wada qaateen oo ay halkaasi xabad joojin ka dhaceyso” ayuu yiri Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir

Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku baaqay in labada dhinac ay dhaqan geliyaan heshiiska la dhex dhigay, isla markaana ay kor kala socon doonaan nabad ku soo dabaalidda goobihii lagu dagaallamay, isagoo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay ka shaqeeyaan Nabadda.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Daah furay Wajigii 2-aad ee Manhajka Dugsiyada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga difaaca ee Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga difaaca ee Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida “SAWIRRO”

Guddiga difaaca ee Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In