Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“DAAWO SAWIRADA” Madaxweynaha oo dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo Galmudug

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
“DAAWO SAWIRADA” Madaxweynaha oo dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey shacabka isugu soo baxay soodhaweyntiisa ayaa sheegay in Hobyo oo deked ay saldhig u noqoneeyso horumarka Galmudug iyo guud ahaan Gobollada Dhexe ee dalka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor inta uusan gaarin Hobyo, waxa uu ku hakadey magaalada Cadaado, halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa wadatashiyo uu la yeeshay Madaxda iyo Wax-garadka Galmudug, waxa uu sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu kusii shaqeynayo magaalada Cadaado, isagoona ugu baaqay culimada, odayaasha dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug in ay sii amba qaadaan dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka bulsho ee deegaanka, si loo xaqiijiyo maamul horumarsan oo ka tarjumaya Galmudug oo mideysan.

“Waxaan rabnaa in aad ogaataan in aan la idin ka tagin, Baarlamaanka Galmudug halkan ayuu ku sii shaqeynayaa. Sidoo kale Wasaaradaha Dowladdu waxa ay ku shaqeynayaan halkan iyo deegaanno kale oo kamid ah Galmudug, annagoo taas uga dan leh in uu noqdo maamul la wada leeyahay.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wax-garadka iyo masuuliyiinta Galmudug sida ay ugu heellanyihiin wada-hadalka, isu tanaasulka iyo is-ogalaanshaha, taas oo horseedaysa midnimo iyo wadajir.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigey dhismaha garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Halka uu dhagax dhigey Xabsi Dhexe oo laga hirgelinayo deegaanka Bangeelle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tobankii maalmood ee u danbeysay ka wadey gobollada Mudug iyo Galguduud, dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta Nabadeynta iyo dib-uheshiisiinta, oo asaas u ah socdaalka uu Madaxweynuhu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Previous Post

Ku simaha R/wasaaraha XFS oo Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha

Next Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In