Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA:- 94 Guurrada Jamhuuriyadda Turkiga Oo Si Weyn Muqdisho Looga Xusay

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA:- 94 Guurrada Jamhuuriyadda Turkiga Oo Si Weyn Muqdisho Looga Xusay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, inta badan Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Dalka, xubno ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, xildhibaanno iyo marti sharaf ayaa ka qeybgalay xuska sanad guurrada 94aad ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabadan oo si weyn loosoo qabanqaabiyey ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Dowladda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana lagu soo bandhigay Taariikhda dalka Turkiga iyo sida Jamhuuriyadda Turkiga ay u aas aasantay.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Danjire Olgan Beker Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda waxa uu uga mahad celiyey madaxda dowladda iyo marti sharafkii kala duwanaa ee ka qeybgalay Munaasabadda kasoo qeybgalkooda.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda waxa uu Hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Turkiga oo uu ugu hambalyeeyey 94 guurrada Jamhuuriyadda Turkiga waxaana uu dhinaca kale Ra’isulwasaaraha faah faahiyey maanta halka uu marayo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Previous Post

Akhriso: Taariikh nololeedka marxuum S/Guuto C/raxmaan Khaliif iyo taliyaha xooga oo ka tacsiyadeeyey

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda” SAWIRRO

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda” SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda” SAWIRRO

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In