Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka oo maanta si rasmi ah ula wareegay Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shaeelaha Hoose ayaa xoog ku soo furtay carruur fara badan oo ay argagixisada Al-Shabaab si qasab ah uga soo kaxeysteen dadkooda, kuwaasi oo ay ku shubayeen fikradaha qaldan.

Ciidamada Danab ayaa markii ay la wareegeen Degmada Kuntuwaareey waxa ay halkaasi ku dileen maleeshiyaad iyo afar horjooga kuwaasi oo kala ahaa

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

1- Maxamuud  Axmed Gaboobe Raage (Daariq)

2- Qaalid  Cumar Sariix oo argagixisada Al-Shbaaab u qaabilsanaa Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey

3- Muxsin Sheekh Cali oo maleeshiyada u qaabilsanaa Maxkamadda  Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada oo uu ku ridi jiray xukuno sharci darro ah oo dadka rayidka ah looga qaadan jiray lacago baad ah iyo horjoogaha afaraad oo magaciisa lagu soo koobay Saalaxudiin oo argagixisada u qaabilsanaa dhanka maleeshiyaadka ka howlgasha Kuntuwaareey.

Intaas kaddib ciidanka ayaa waxa ay halkasi ka sameeyeen howlgallo qorsheysan oo ay amniga ku xaqiijinayaan, iyagoo guri guri u baaraya xaafadaha kala duwan ee degmada Kuntuwaareey, waxaana ciidanka Danab ay xabsi ku yaalla Kuntuwaareey kasii daayey dad Shacab ah oo Kooxda Al-Shabaab u xirnaa.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida u sheegay in ciidamada ay howlgallo ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kuntuwaarey, iyaggoo ku raad jooga baxsadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga itaalka roonaaday.

Ciidanka ayaa goob fagaaro ah kula kulmay qeybaha bulshada ee degmada Kuntuwaareey, kuwaasi oo si aad ah u soo dhaweeyay ciidamada maanta markale dib ula wareegay Kuntuwaareey oo ay argagixisada Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Xaquuqda Sawirrada: Idaacadda Codka Ciimada Qalabka Sida

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Xildhibaannada Golaha Shacabka Warbixin U Jeedin Doono Maalinta Berri

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In