Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay xuska 1da Luuliyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.”

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan.

Sidoo kale, waxaa iyaguna madasha socod ku maray Shaqaalaha Dowladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon.

Previous Post

Ministry of Foreign Affairs Releases Protest Note to Kenya Government

Next Post

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In