Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq

admin by admin
8 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Degmada Cabudwaaq.

Madaxweynaha oo saaka kasoo ambabaxay magaalada Guriceel ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabkii isugu soo baxay deegaannada uu socdaalka ku soo maray, isagoona kula dardaarmay in ay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda.

Madaxweyne Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Cabudwaaq ayaa yiri “Waxa uu socdaalkeennu yahay nabadeeyn iyo dib u heshiisiin taas oo ay calaamad u tahay midowga Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku faraxsanhy sida ay labada dhinac isugu tanaasuleen. Runtii taas waa wax lagaga dayan karo, ayna tahay in ay magaaladan ka bilaabato.”

Madaxweynaha oo safar kusoo maray Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe ayaa u sheegay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in horumar kasta oo laga hirgelinayo deegaannadan uu ku xiranyahay sida ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa uu socdaal ku marayey qeybo ka mid ah Goballada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguduud, isagoona u kuur galayey baahiyaha nololeed ee bulshada ku dhaqan gobolladaas.

Socdaalka maanta waxaa Madaxweynaha ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Dhalinyarada

Next Post

WAR DEG DEG AH:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

WAR DEG DEG AH:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In