Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Warfaafinta oo booqday xarumaha UBC iyo UCC ee Kampala

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Warfaafinta oo booqday xarumaha UBC iyo UCC ee Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Kampala, 7 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo booqasho ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Bulshada ee Uganda (Uganda Broadcasting Corporation (UBC) iyo Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) si uu ugu kuurgalo howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Uganda u hayaan si dalka Soomaaliya looga hirgeliyo Warbaahinta Bulshada iyo dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir Eng. Yarisow oo ugu horreyntii booqday xarunta UBC oo ah Warbaahinta Bulshada Qaranka Uganda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha xaruntaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta ee ku aadan sidii loo aasaasi lahaa Warbaahinta Bulshada Soomaaliyeed (Somali Broadcasting Corporation (SBC)) oo uu Xeerka Saxaafada siinayo sharciyadii loo baahnaa.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in abuurista Warbaahinta Bulshada ay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo sare u qaadi doonta horumarka warbaahinta dalka, gaar ahaan xilli uu dalku isu diyaarinayo xisbiyada siyaasadda oo Warbaahinta Bulshada ay si dhexdhexaad ah ugu adeegi doonta xisbiyada dalka, siyaasadda iyo weliba, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siin doono lagu horumariyo howlahooda ay bulshada u hayaan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sidoo kale intii uu joogey Kampala booqday Xarunta Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) bacdamaa Soomaaliya ay dhowaan abuuri doonto Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka howlgeli doona dhaqangelinta Xeerka Saxaafada isla markaasna la xisaabtami doona warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta si loo hubiyo in howlaha ay u gudanayaan si waafaqsan nidaamka iyo shuruucda dalka. Wasiir Yarisow ayaa sheegay in booqashada xaruntan ay muhiim u aheyd si looga faa’iideysto oo loo arko sida ay u howlgalaan, caqabadaha heysta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen mudadii ay jireen.

Wasiir Yarisow ayaa u arka booqashada labadan xarumood inay muhiim u tahay horumarka warbaahinta Soomaaliya.

DHAMMAAD

Previous Post

Soomaaliya oo soo dhoweysey go’aanka Golaha Wasiirada India ee Heshiiskii labada dal ee is-weydaarsashada maxaabiista

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In