Daawo: Taliska Booliiska oo gacanta ku soo dhigay rag ku eedeysan laba kiis

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin kamid ah saddex dhalinyaro ah oo ka soo muuqday muuqaal anshax xumo ah.

Afhayeenka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Maxamed Cali Maxamed, waxaana ay ku suuragashay in la soo qabto wada-tashaqeyn dhexmartay Ciidanka Booliiska qeybaha Gobolada Banaadir iyo Saldhiga Booliiska degmada Baardheere ee Gedo oo ah goobta uu falka ka dhacay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in lagu raad-joogo laba ruux oo kale kuwaasi oo ku lug lahaa falka muuqaalka tacadiga ah ee laga duubay gabadha yar.

Afhayeenka ayaa sheegay in ninka eedeysanaha uu wajaho Caddaalada, isla markaasna dhowaan la hor geyn doono Maxkamadda.

Dhinaca kale, Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askari qof shacab ah ku dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, isla markaasna Caddaalada la hor-geyn doono.

Halkaan ka daawo

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.