Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO: Warbixin Guddoomiye Waaxeedkii Halgan ee Deyniile oo ay dishay xaaskiisa oo la aasay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Guddoomiye waaxeedkii Halgan ee degmada Deyniile Marxuum Cabdiqaadir Fooldibi oo Maamulka degmada ay sheegeen in ay dishay xaaskiisa ayaa lugu aasay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiqaadir waxaa saaka dishay xaaskiisa labaad kaddib markii ay ugu tegtay guriga kale ee ay xaaskiisa koowaad joogtay sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ehelada Marxuumka oo sheegay in xaaska dishay ay hadda u heysay hal canug, ayna leedahay uur.

Related posts

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

April 4, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee Degmada Deyniile Cabdiqaadir Cali Faracadde ayaa sheegay inay ku howlanyihin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen xaaska falka dilka ah geysatay.

“Dhacdadan saaka halkii saac ayay dhacday, waxaana dilkaas geysatay xaaska Cabdiqaadir labada reer mid ka mid ah, dhaawac ayuu noqday, dhaawacii waxaa loo qaaday Isbitaal digfeer, dhaawaca ayuuna ugu dhintay halkaas, kan maamul ahaan qeyb isbitaalka ayaan ugu tegnay, qeybta kalena waxa ay soo aadeen halka uu falka ka dhacay, dhanka kale xaaska wey fakatay laakiin ciidamada amniga waxa ay hayaan raad fiican waana ku daba joognaa inaan gacanta ku soo dhigno”.ayuu yiri Cabdiqaadir.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiqaadir ayaa lagu aasay degmada Deyniile ee gobolka Benaadir.

Halkan ka Daawo Muuqaalka oo dhameystiran 

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/654187085431954/

Previous Post

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka iyo Shiishaddu waxay fududeeyaan qaadidda iyo faafidda cudurka COVID-19”

Next Post

Guddiga-wadajika KMG ah ee sameynta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooytinka Qaranka oo soo gaba-gabeeyay shaqadii loo diray “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga-wadajika KMG ah ee sameynta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooytinka Qaranka oo soo gaba-gabeeyay shaqadii loo diray “SAWIRRO”

Guddiga-wadajika KMG ah ee sameynta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooytinka Qaranka oo soo gaba-gabeeyay shaqadii loo diray “SAWIRRO”

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la-qaatay odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu kala kulmay...

Cali Cabdulaahi oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Cali Cabdulaahi oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed

April 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad...

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In