Maxkamadda ay hortaalo dacwada Soomaaliya iyo Kenya ee muranka badda la xiriira ayaa shaacisay waqtiga kama dambeysta ah oo ay furmeyso dhageysiga dacwada labada Dal.
ICJ ayaa sheegtay in bisha September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.
Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.
Sanadkii tegay waxa ay dowladda Kenya codsatay in dib loogu dhigo dacwadda, hase ahaatee Maxkamadda ayaa go’aansatay in dacwadda la qaado kama dambeysta sanadkaan dhamaadkiisa.
Maxkamadda ayaa qorsheysay in dhageysiga dacwadda ay socoto muddo afar maalin ah, iyada oo labada maalin ee hore la dhageysan doono Kenya halka labada kalana la dhageysanayo Soomaaliya.
Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa bishii July ee sanadkii 2015 u gudbiyay Maxkamada oo xarunteeda ay tahay Dalka Holland, Warqadaha dacwada Soomaaliya ee la xiriira badda Soomaaliya.