Duqa Degmada Gaalkcyo Mudane Cabdirahman Sheekh Xasan oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deeganka iyo Agaasimaha arimaha bulshada ayaa ka qayb galay xaflad is ugu jirtay Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Deegaanka Docol ee Gobalka Mudug.
Xafladaan ayaa ahayd mid dadka Deeganka Docol ay ku soo xusheen maamulkooda cusub, waxaana Guddoomiye ay u doorteen Tahliil Cabdiqaadir halka Guddoomiye ku-xigeenka uu noqday Cabdullaahi Daahir Cabdi
Uga danbayn duqa Degmada Gaalkacyo ayaa booqday xarumaha danta guud ee Degaanka Docol sida Goobaha Waxbarashada, Xarumaha Caafimaadka iyo Saldhigga Booliska.