Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadka Soomaaliyeed ee Dalka Uganda ku nool oo ka cabanaya tuugo boob iyo jirdil ku heysa

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Dadka Soomaaliyeed ee  Dalka Uganda ku nool oo ka cabanaya tuugo boob iyo jirdil ku heysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa ka cabanaya tuugo badan oo si gaar ah u gaarsata Soomaalida iyagoo u gaysta dhac iyo waxyeelo badan, sida jirdil ay la kulmaan marka ay tuugada wax ka qaadaanayaan.

Qaar ka mid ah dadk Soomaaliyeed oo Radio Muqdisho xafiiskiisa Kampala la hadlay ayaa sheegay in ay xiligaan soo bataan dhaca Soomaalida loo gaysto oo wadooyinka loo galo halka qaar kalena guryahooda loogu dhaco oo waxii guriga u yiila laga qaato.

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026

Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan Qarash ayaa Radio Muqdisho uga sheekeeyay sababta sanad walba keenta in xiligan tuugada usoo bataan waxa uuna yiri” Wadankan aan ku nool nahay ee Uganda waa dad aqlabiyadiisa u badan yihiin Karishtan,marka la gaaro bisha Disembar ee u dambeysa sanadka 25-teeda ,waxa ay u dabaal dagaan Christmas day dalkuna fasax rasmi ah ayuu galaa, sidaa daraateed waxaa bata dhac iyo tuugada wadooyinka istaagta”. ayuu yiri Qarash

Qarash ayaa intaa ku daray in meelaha sida gaarka ah tuugada u beegsato ay ka mid tahay xaafadda Soomaalida degto ee Kenseye ee ku taala bartamaha magaalada Kampala.

Gudoomiyaha Ururka Somali CommunityΒ  in Uganda Siid-axmed Sheekh Muuse oo isagana la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka xaafadda Soomaalida la adkeeyay hasayeeshee ay wali socdaan dhacdooyinka dhaca ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan shirar wacyi galin ah oo ay wadaan Jaaliyadda Soomaalida si falalka soo noqnoqday loogu hortago iyadoo la kaashanayo Booliska dalka Uganda si gaarana xooga loo saari doono xaafadda Soomaalida u badan tahay ee Kensenya.

Dalka Uganda ayaa la sheegaayaa in si guud ahaan ay ku nool yihiin Soomaali kor u dhaafaysa 20 kun oo isugu jira qaxoonti iyo ganacsato dagan dalkan, Soomaalida ayaana ku haysta xuriyad wanaagsan oo isku socodka gudaha dalka ah iyo mid ganacsi intaba, iyagoo aan muwaadinka Soomaaliyeed wadooyinka lagu waydiin sharcigooda sida dalalka qaar ka jirta.

Previous Post

Diyaar garowga Roobabka ee maamulka gobolka Banaadir oo labalaariyey “Sawirro”

Next Post

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin)

Next Post
Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin)

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin)

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In