Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaal Khasaaro gaystay oo ka dhacay Jubbada Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaal Khasaaro gaystay oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ayaa wuxuu ka dhacay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Dagaalkaan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay mid ka mid ah dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Maleeshiyaad badan oo kale.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkaan uu ka danbeeyay kaddib markii Argagixisadu ay isku qabsadeen lacag baad ah oo laga qaadayay Gawaari Rakaab iyo Xamuul isugu jiray oo taagnaa kontoroolka degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in haatan xiisad wayn oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ka taagantahay degmadaasi.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ayaa dhowr mar oo hore sidaan ugu dagaalamay degmada Jilib iyo deegaanno kale, iyagoo iska laayay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal badan oo isugu jiray Soomaaliya iyo kuwa Ajaanib ah.

Bartamihii sanadkii hore ee 2018-ka ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ay sidaan oo kale ugu dagaalameen Degmada Jilib, iyadoo markii danbe maleeshiyaadka qabay fikradaha takfiiriga ah ee Daacish qaarna la laayay qaarna xabsiga la dhigay.

Arrimahaan oo dhan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran ee Soomajaystayaasha ah maalin iyo habeenba u taaganyihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, ayna u baabi’in lahaayeen Argagixisadaan ka been sheegaysa Diinta Islaamka.

 

Previous Post

Saraakiil ciidan oo booqday deegaanadii dhawaan laga xoreeyeey maleeshiyada Al-Shabaab ee Sh/Hoose “SAWIRRO”

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah “SAWIRRO”

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In