Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaal U Dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan Oo Ka Qarxay Xuduudda Labada Dal

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dagaal U Dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan Oo Ka Qarxay Xuduudda Labada Dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isku dhacyo u dhexeeya xoogaga Armenia iyo Azerbaijan ayaa ka bilowday Gobolka labada dhinac ay ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh, waxaana la soo riday diyaarad helicopter ah oo ciidanka Azebaijan leeyihiin.

Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan Nikol Pashinyan ayaa sheegay in ciidankiis ay qaadeen duqeymo dhanka hawada ah iyo madaafiicda artilariga.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Azerbaijan ayaa sheegtay in ay duqeynta jawaab u aheyd weerar lagu soo qaaday xuduuda waxaana lagu waxyeeleeyay dad shacab ah.

Xiisadda muddada dheer u dhexeysay labada dhinac ayaa waxaa ay soo labo kacleysay bilihii u dambeeyay.

Labada dal waxaa ay ka tirsanaayeen Midowgii Sofiyeet oo burburay sanadkii 1991.

Gobolka Nagorno-Karabakh oo muranka ka taagan yahay ayaa waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin dadka degan gobolka ayaa isir ahaan raacsan dalka Armenia.

Dagaal xuduuda ka dhacay bishii Luulyo waxaa ku dhintay ugu yeraan 16 ruux, taas oo ka dambeysay markii banana baxyo lagu dalbanayo in dowladda dib ula wareegto gobolka ay ka dhaceen caasimadda Azerbaijan ee Baku.

Wasiirka difaaca Armenia ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday xaafadaha shacabku degan Yihiin ee magaalaa caasimadda u ah gobolka ee Stepanakert uu bilowday sideedii subaxnimada ee xilliga wadanka.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in labo helicopter iyo sadex diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee drones la soo riday.

“Jawaabteenu waxay noqon doontaa mid ku haboon, hogaanka siyaasadda militiriga  Azerbaijan ayaa qaadan doona mas’uuliyadda wixii dhacay,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay.

Isla wakhtigaas, Azerbaijan ayaa ku dhawaaqday howlgal wax iska caabin ah oo ciidanka ku beegsan doonaan kuwa Armenia, si loo xaqiijiyo bad qabka dadweynaha.

Duqeymo xoogan ayaa waxyeeleeyay dhowr tuulo waxaana taasi keentay dhimasho iyo dhaawac shacabka soo gaara sidoo kale waxaa la burburiyay goobaha muhiimka ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.

Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa intaas ku dartay in diyaarad helicopter ah la waayay dhankooda, halka 12 hanaan difaaceed Armenia leedahay la burburiyay.

Xiisadda labada dhinac ayaa iska soo taraysay tan iyo 2016 kolkaas oo labada dal fooda is dareen muddo affar maalin ah dagaalkooda socday.

Ururka nabadda iyo iskaashiga ee Yurub oo loo soo gaabiyo OSCE ayaa muddo ku howlanaa sidii wadahadal loogu dhammeyn lahaa muranka, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dadaalada xal u raadinta diplomaasiyiin ka kala socota France, Russia iyo Mareykanka, taas oo keentay in la gaaro heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee magaalada Minsk lagu gaaray.

Tags: Dagaal U Dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan Oo Ka Qarxay Xuduudda Labada Dal
Previous Post

Madaxweyne Trump oo garsooraha maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo si rasmi ah xilkiisa ula wareegay+Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo si rasmi ah xilkiisa ula wareegay+Sawirro

Ra’iisul wasaare Rooble oo si rasmi ah xilkiisa ula wareegay+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In