Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagmada Baxdo ee Gobalka Galguduud oo laga dareemayo Isbadallo dhanka Amniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dagmada Baxdo ee Gobalka Galguduud oo laga dareemayo Isbadallo dhanka Amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa gaaray Dagmada Baxdo ee Gobalka Galgaduud

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo maalmahaan howlo shaqo oo ku aadan u kuurgalida Xaaladaha Bulshada ku marayay deegaanno farabadan oo ka mida kuwa ku yaala Goballada Mudug iyo Galguduud kuwaa oo ay ka mid yihiin deegaanadii laga xoreeyay khawaarijta isla markaana la oran karo bulshada ku nooli 15 sano kadib waxa ay dareemeen neecawda dowladnimo ayaa markii ay gaareen dagmadaasi waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka iyo shacabka dagmada Baxdo

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Wasiirka iyo Wafdigiisa oo ay garab socdaan Maamulka Dagmada Baxdo ayaa kormeer ku sameeyay dagmadaasi oo xiligaan wax weyn iska badaleen xaaladda ay ku nool yihiin bulshada halkaasi ku dhaqan iyagoona warbixino nolashooda ku saabsan ka dhageeystay Guddoomiyaha dagmada Dagmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi iyo Qaar ka mida shacabka dagmada Baxdo kuwaa oo sheegay in dagmada Baxdo ay xiligaan kasoo kabatay dhibaatooyin farabadan oo ay ka mid tahay Cabsidii dadku ka qabi jireen Arxan laawayaasha

Guddoomiyaha dagmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in Baxdo ay tahay mid Amnigeeda la isku haleeyn karo dhan walba sidoo kalana ay diyaar u yihiin in ay mar kasta ka qeyb qaataan Ciribtirka Khawaarijta

Ugu danbeyn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa bogaadiyay Horumarka iyo isbadalka ka muuqanaya dagmada Baxdp taas oo uu xusay ineey ku timid wada shaqeeynta Maamulka iyo shacabka Dagmada isagoona kula dardaarmay in ay dhan uga soo wada jeestaan Cid kasta oo ay u arkaan in ay Carqalad ku tahay Amniga iyo Horumarka Dagmada Baxdo maadaama ay tahay magaalo muhiim u ah dhamaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug dadkeena lagu yaqaan geesinimo lana xasuusan yahay sidii ay khawaarijta ula dagaaleen






Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Imaaraatka xoojinta iskaashiga wadaagga

Next Post

War-murtiyeed ku saabsan Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

War-murtiyeed ku saabsan Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In