Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga ka socday Dalada Waxbarashada ee FENPS ayaa maanta deeq lacag ah oo ay ugu talo galeeen dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada ka socda Wadanka Yemen ku wareejiyay guddiga badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha daladda waxbarashad ee FENPS Ibraahim Macalin Xuseen ayaa ka hadlay waxa ay ka koobantahay deeqda lacagta ah oo ay maanta ku wareejiyeen guddiga, isagoo ugu baaqay daladaha kale ay ku deysadaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan u nimid inaan xoogaa lacag yar ah oo aan ugu talo galnay qaxootiga kasoo cararay dalka Yemen inaan soo gaarsiino Walalaheena guddiga samabixinta si ay u gaarsiiyaan gacantii mudneyd, waxaan kaloo ugu baaqayaa dhamaan inta na dhageysaneysa iyo inta na daawaneysa in ay jirto baahi lacageed oo aad u balaaran dadkii kasoo cararay deegaanadaasi, waxay kasoo carareen hantidii ay lahaayeen, waxay u baahanyihiin maanta qof kasta oo Soomaali ah inuu u istaago badbaadintooda  inaan garab istaagno walaalaha isku xilqaamay guddiga oo  u istagaay badbaadinta dadkaas, waxaan wadnaa laca yar oo seddex kun oo doolar oo aan kasoo uruurinay macalimiinta iyo ardayda  dhigata dugsiyada hoos yimaada dalada FENPS” ayuu yiri Ibraahim.

Guddoomiyaha guddiga badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo carayay dalka Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan  ayaa uga mahad celiyay  daladda FENPS deeqdan ay qxootiga Soomaaliyeed ugu talo galeen.

“Aad ayay u mahadsanyihiin waxaan leeyahay Jazaakallaah, arrintan waxa ay ka turjumeysaa Soomaalidu in ay isu gurmato oo ay isu tashato sida diinteenuba ay ku dhisantahay, dadka mu’miniinta ah waa hal qof, kolkoosa oo kale horta hal qof haduu korkiisa xanuunsado kan kalana wuu la xanuunsanaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

 

Previous Post

DAAWO SAWIRADA-Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee magaalada Qardho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In