Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha golaha hoggaaminta dalka Yemen Mudane Rashaad Maxamed Al-Cileemi.
Intii uu socday kulanka qaabilaadda, Danjiruhu waxa uu gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku socotay Madaxweynaha golaha hoggaaminta dalka Yemen.
Danjiraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta ee Labada Dowladood iyo ka hortaga khataraha Amni ee ka dhallan karta xuduudaha u dhaxeeyo Labada dal.