Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Khartoum “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Khartoum “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdulqaadi Axmed Sheekh Maxamed ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee magaalada Khartoum, si uu ugu gudbiyo dhambaalka tacsida ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka soo saartay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Nairobi.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjire Shoole ayaa saxiixay diiwaanka tacsida ee Safaaradda Kenya ay ugu tala gashay dadkii ku nafwaayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Nairobi 15kii bishan Jannaayo 2019, waxa uuna u gudbiyey labo dhambaal oo tacsi iyo garab istaag ah oo ka kala socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safaaradda JFS ee magaalada Khartoum.

Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee dalka Suudaan Mudane Abrown Suge ayaa uga mahadceliyey Dowaladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga iyo u damqashada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Kenya.

Labada Danjire ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee gobolka, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal, khatarta argagixisada Alshabaab iyo muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto cadwagaan caqabadda ku ah horumarka Dalalka Geeska Afrika.

Booqashadaan ayaa waxaa Safiirka ku weheliyey Danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Suudaan Mudane Axmed Cali Barre.

Danjireyaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya ee Khartoum ayaa hoosta ka xariiqay in aan argagixisanimada aysan gaar ku ahayn dad, dal iyo diin gaar ah.

 

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In