Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Ammaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Ammaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan oo maanta khudbad ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyey horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka.

Danjire Abuukar waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa hawlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Danjiraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo isuduwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya.

Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.

Tillabadan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka.

“Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabaka” ayuu yiri danjire Abuukar.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay hawlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.

Hawlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu. Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin.

Danjire Abuukar waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya, iyaga oo bixinaya agabka iyo kaalmada farsamo ee loo baahan yahay si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo tillaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.

Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tillaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isk filanaansho . Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyiin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan, waxeyna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan hiigsiga Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirweynaha xoojinta Iskaashiga EAC

Next Post

Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda

Next Post
Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda

Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In