Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed kala hadlay Taliska Ciidanka Asluubta Suudaan

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed kala hadlay Taliska Ciidanka Asluubta Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Axmed Shoole oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalkan Sarreya Guud Xaatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa kala hadlay xaaladda maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalkan, kaddib kormeer uu ugu tagay maxaabiis ku jirtay xabsiga Koobar.

 

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Suudaan fulinta codsigii Safaaradda ee ku aaddanaa in laga wareejiyo maxaabiista soomaaliyeed xabsigii hore ee ay ku jireen, loona wareejiyey xabsi kale oo ay codsadeen, arrintaas oo haatan ay fulisay Dowladda Suudan.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan ayaa ammaanay hab-dhaqanka wanaagsan ee Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, waxa uuna tilmaamay in lix qof oo kaliya ay yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka, taas oo noqonaysa mid aad u yar markii loo eego tirade guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan.

Sarreya Guud Xaatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa Safiirka uga warbixiyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Lixda ah ee ku jira xabsiyada dalkan, dacwadaha lagu soo oogay, xukunnada lagu riday iyo muddada ay haatan xiran yihiin.

Danjire Shoole ayaa u gudbiyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta labada ciidan.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Khartoum ayaa xoogga saareysa sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkan, iyadoona la qaadi doono tallaaboyinka sharci iyo diblumaasiyadeed ee ku aaddan arrinkan.

Previous Post

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Next Post
Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In