Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed kala hadlay Taliska Ciidanka Asluubta Suudaan

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed kala hadlay Taliska Ciidanka Asluubta Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Axmed Shoole oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalkan Sarreya Guud Xaatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa kala hadlay xaaladda maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalkan, kaddib kormeer uu ugu tagay maxaabiis ku jirtay xabsiga Koobar.

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Suudaan fulinta codsigii Safaaradda ee ku aaddanaa in laga wareejiyo maxaabiista soomaaliyeed xabsigii hore ee ay ku jireen, loona wareejiyey xabsi kale oo ay codsadeen, arrintaas oo haatan ay fulisay Dowladda Suudan.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan ayaa ammaanay hab-dhaqanka wanaagsan ee Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, waxa uuna tilmaamay in lix qof oo kaliya ay yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka, taas oo noqonaysa mid aad u yar markii loo eego tirade guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan.

Sarreya Guud Xaatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa Safiirka uga warbixiyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Lixda ah ee ku jira xabsiyada dalkan, dacwadaha lagu soo oogay, xukunnada lagu riday iyo muddada ay haatan xiran yihiin.

Danjire Shoole ayaa u gudbiyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta labada ciidan.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Khartoum ayaa xoogga saareysa sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkan, iyadoona la qaadi doono tallaaboyinka sharci iyo diblumaasiyadeed ee ku aaddan arrinkan.

Previous Post

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Next Post
Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In