Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee dalkaasi+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee dalkaasi+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada sedex geesoodka ah ee Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan kula kulmay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya dalkaasi Suudaan.

Mudadii uu socday kulanka labada safiir ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga u fadhiya Dalka Suudaan ayaa waxaa ay siweyn ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga,kaasi oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Amb Maxamed Sheekh Isxaaq  oo u waramayay Wakaaladda Wararka (SONNA) ayaa sheegay in isaga iyo safiirka Turkiga ee Suudaan ay isku af garteen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Tan iyo markii Amb Maxamed Sheekh Isxaaq uu la wareegay xilka safiirnimo ee danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Wuxuu dadaal ugu jiray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha horyaala safaaradda.

Wuxuu kulamo kaladuwan la qaatay Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi Suudaan,sida ardayda,haweenka,aqoonyahanada iyo Bulshada kale ee Soomaalida kunool dalkaasi,isagoo kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka Dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka soo hoyday xiriirka dhanka diplomaasiyadda oo ay la wadaagto wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya,suudaan ayaana kamid ah wadamada safka hore kaga jira in cawinta iyo garab istaaga Soomaaliya.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa sanadkasta deeqo waxbarasho ka hela dalkaasi Suudaan,iyadoo dhalinyaro badan oo halkaasi wax ku soo baratay ay ku soo laabteen dalkooda.

  

Previous Post

Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan ku leh Caasimadda Dalka.

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney Ganacsata aheyd

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney Ganacsata aheyd

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney Ganacsata aheyd

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In