Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 months ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow,ayaa ka qaybgalay daawashada gabagabadii tartanka kubadda cagta oo lagu qabtay magaalada Roma, caasimadda Talyaaniga.

Ciyaarta kama dambaysta ah (finalka) ayaa dhexmartay kooxo matalayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga iyo kuwa dalka Gambia. Ugu dambeyn, guushu waxay raacday kooxda ka socotay jaaliyadda Soomaaliyeed kadib markii ciyaartu ku dhammaatay rigoorayaal (gool-ku-laadyo) loo dhigay labada kooxood.

Related posts

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026

Danjiraha oo u tegay garoonka si uu u dhiirrigeliyo ciyaartoyda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay ciyaar wanaagga, xirfadda iyo isku-duubnida ay muujiyeen intii ay ciyaartu socotay. Waxa uu ku ammaanay guusha ay soo hooyeen iyo sida ay isugu xilqaameen in ay magac wanaagsan u soo hooyaan qaranka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma.

Danjiraha ayaa sidoo kale u ballanqaaday ciyaartoyda in safaaraddu sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga, si loo adkeeyo isdhexgalka dhalinyarada iyo xoojinta midnimadooda.

Tartankani wuxuu qeyb ka yahay barnaamijyada isdhexgalka bulshada, waxaana sanad walba loo qabtaa jaaliyadaha dalalka shisheeye ee ku nool Talyaaniga, iyadoo sidoo kale la qabto bandhigyo dhaqameedyo kala duwan. Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha #MatteiPlan.

Previous Post

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Next Post

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Next Post
Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka taleefanka ah...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a...

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026
0

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Shaatax, ayaa shalay iyo maanta ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In