Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga oo Soomaalida ugu baaqay inay ilaaliyaan xakameynta COVID-19

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga oo Soomaalida ugu baaqay inay ilaaliyaan xakameynta COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maadaama bandowgii horey uga jirey dalkan Turkiga laga khafiifiyey magaalooyinka qaarkood, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Istanbul, Ankara iyo kuwo kale oo jaaliyadda Soomaalidu deggantahay, qaarkoodna ganacsi ku haystaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkan Turkiga Mudane Jaamac  Caydiid ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas ugu baaqay in ay ilaaliyaan nidaamka lagu xakamaynayo faafidda cudurka COVID-19.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Danjiruhu wuxuu si gaar ah bulshada kula dardaarmay Afxirashada, kala fogaanshaha iyo nadaafadda gacmaha markasta. Wuxuu kale oo uu si gaar ah ula dardaarmay goobaha ganacsiga gaar ahaan makhaayadaha in ay ilaaliyaan kala fogaanshaha u gaarka ah, oo ah in labadii kursi ee isku xigaba mid bannaanyahay oo ay ku dhejiyaan callaamadda lama fadhiisan karo.

Makhaayadaha waxaa loo oggolyahay in ay isticmaalaan 50% kuraasta ay haystaan.

Sidoo kale Danjiraha ayaa Soomaalida ugu baaqay in sharciyadooda aysan guryaha ugu soo tegin, maadama Laamaha Amniga ee dalka ay wadaan baaritaanno.

Danjire Jaamac Caydiid ayaa ugu dambayntii ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga deggan in xilliyada bandowga ah ay ku nagaadaan guryahooda.

Previous Post

Munaasabad lagu xusaayey Maalinta haweenka oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamaanka Liibiya oo ka shiraya kalsooni siinta Xukuumadda Cusub

Next Post
Baarlamaanka Liibiya oo ka shiraya kalsooni siinta Xukuumadda Cusub

Baarlamaanka Liibiya oo ka shiraya kalsooni siinta Xukuumadda Cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In