Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo bogaadiyay horumarka ganacsi ee ay Soomaalidu ku talaabsatay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo bogaadiyay horumarka ganacsi ee ay Soomaalidu ku talaabsatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday xaflad casho Sharaf ah oo aad loo soo abaabulay, taas oo lagu soo bandhigayay Waxqabadka sanadka ee shirkada dhismaha Gabeire A Group (GAG).

Shirkadaan oo ah mid ka shaqeeysa howlaha dhismaha iyo Teknoolojiyadda la xiriirta dhismaha ayaa ka howlgasha wadamo badan oo ku yaala Qaaradda Afrika.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026

Howlaha waaweyn oo ay haatan wado Shirkadaan ayaa waxaa ka mida dhismaha waddo weyn oo laga dhisayo Jasiiradda Madagascar, dhismaha buundooyinka, bulaacado iyo waddooyinka oo iyagana ay ka hergalinayso dalalka Benin, Togo & Jabuuti.

Shirkadaan oo ah mid ay leeyihiin dad Soomaali ah waxa ay gudaha Qaaradda Afrika ka qaabaynaysaa mashruucyo wax ku ool ah, iyada oo la dhisayo waddo 250 km ah oo isku xirta magaalooyinka Antananarivo iyo Toamasina ee dalka Madagascar, taas oo sahlaysa isu socodka badeecadaha, adeegyada iyo dadka.

Danjire Jabriil oo ka ka hadlay xafladda casho sharafta ayaa ugu hambalyeeyay shirkada Gabeire A Group, guulaha la taaban karo oo ay gaartay.

“Shirkadaan waxa ay tusaale u noqon kartaa Ganacsatada Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in ganacsigooda ku baahiyaan dalalka Afrika, sababta oo ah Qaaradda Afrika Waxa ay baahi u qabtaan maalgashi iyo ganacsiga dadka Soomaalida”, ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle

Shirkadaan ayaa in ka badan 500 oo shaqaale xirfad leh shaqaaleeysiisay. Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah mid si buuxda ugu fidaayo dalka bariga iyo Bartamaha Afrika.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo horumarinta Caasimadda

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Asmara Eritrea

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Asmara Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Asmara Eritrea

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In