Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Iskuulada Tacliinta Sare ee Kenya.

Ardayda ayaa waxa ay Safiirka uga warbixiyeen xaaladooda waxbarasho ee dhanka Tacliinta Sare, iyagoo warbixin ka siiyay caqabadaha mararka qaar soo wajahda ardayda oo ay codsadeen in Safaaraddu ay wax ka qabato.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ardayda u sheegay in Safaaraddu ay markasta u furantahay oo ay wax kala qabaneyso wixii caqabad ah ee la soo gudboonaada.

“Farxad ayay ii tahay inaan martigeliyo arday Soomaaliyeed oo ka kala socday machadyada tacliinta sare ee Kenya. Ardaydu waxay nala wadaageen caqabadaha soo wajaha & hannaanka ay Safaaraddu ugala shaqayn karto wax ka qabashada arrimahan. Sidoo kale waxaan diiradda ku saarnay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya, waxa ay u abuuri doonaan fursado cusub ardaydeena, korna u qaadi doonaan iskaashiga aqooneed ee labada dal. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadalka iyo iskaashiga aan la leenahay Ardayda si loo xaqiijiyo guusha ardaydeena ku sugan gudaha #Kenya”. Ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim.

Sooomaaliya marka ay dhameystirto ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxa ay ardayda Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan inay si toos ah wax uga bartaan iskuulada ku yaala dowladaha xubnaha ka ah Ururka.

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday jaangoynta Misaaniyadda

Next Post

Farriinta Madaxweynaha JFS ee Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH)

Next Post
Farriinta Madaxweynaha JFS ee Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH)

Farriinta Madaxweynaha JFS ee Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH)

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In