Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir jaraa’id oo galabta ay Muqdisho ku qabteen Wasiirada caafimaadka, Warfaafinta iyo Amniga gudaha oo ay hareer joogeen Taliyaasha ciidamada xoogga iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dawladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iyo talooyinka ay bixiyeen madaxda sare iyo khuburada caafimaadka ay soo saartay amarro cusub oo lagu xakamaynayo cudurka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dawladda, marka laga reebo shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka ah ee aan adeeg bixinta dawladda looga maarim, lana joojiyey dhammaan kulamada bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dawladdu waxay bulshada ku adkaysay in la dhaqangeliyo dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga cudurka COVID-19, oo ay ku jirto in la kala fogaado af-xirkana la qaato, waxaana masaajidda, goobaha waxbarashada iyo cayaaraha loo samaynayaa hab nidaamin gaar ah oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay in 24-tii saac ee la soo dhaafay ay cudurka ugu geeriyoodeen ilaa 15-qof, 50-kalena ay u jiifaan Isbitaalada dowladda, sidoo kalena ay jiraan dad cudurka u geeriyooday oo aan la diiwaan gelin, taas oo muujinaysa in khatarta cudurku uu sare u kacay.

Waxay sheegtay inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la kaashanayaan baaritaanka cudurka COVID-19, si loo ogaado nuuc cusub inuu yahay iyo in kale, iyadoo tallaaka cudurka uu soo gaari doono dalka, kaas oo xakamayntiisa qayb wayn ka qaadanaya.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa isna sheegay in dawladda ay mas’uuliyad ka saarantahay badbaadada bulshada, sidaa darteedna go’aanadan lagu saleeyey aqoon caafimaad iyo xog ogaalnimada xaaladda dalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu u xilsaaranyihiin dhaqangelinta go’aanada dawladda ka soo baxay.

Wasiirka oo la weydiiyey banaanbaxa ay musharixiinta xilka Madaxweynaha qaarkood ku baaqeen ayaa xusay inuusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado.

Previous Post

Ruushka oo xiray dad looga shakiyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso

Next Post

Dowladda oo shaacisay in gebi ahaanba la joojiyay isu imaatinada bulshada

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Dowladda oo shaacisay in gebi ahaanba la joojiyay isu imaatinada bulshada

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In