Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Maaxaay oo noqday goob ku haboon in laga dhiso garoon casri ah+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Deegaanka Maaxaay oo noqday goob ku haboon in laga dhiso garoon casri ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho,madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele iyo rugta ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhowr goobood oo kamid ah gobolka Shabeelaha dhaxe kormeer ku sameeyay si ay sahmin ugu sameeyaan halka ku haboon in laga hirgaliyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Mas’uuliyiintaan waxaa kormeer kooda ku wehlinaayay Khubaro ku xeeldheer sahminta garoomada diyaaradaha waxeyna madaxda Khbaradu ay isku raaceen in deegaanka Maaxaay oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ay tahay halka ku haboon in laga hirgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha oo cabirkiisu gaarayo 14-km.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Qaar kamid ah odayaasha iyo culimada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhulkooda ugu yaboohay Qaranka iyo in loogu shaqeeyo danaha ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in deegaanka Maaxaay uu yahay goob istaraatiiji ah oo ku haboon in laga dhiso garoon casri ah oo meteli kara guud ahaan dalka.

Wasiirka Gaadiidka  iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadaha soo socda soo gaba-gabeyn doonto mashruucaan lagu dhisayo garoon caalami ah oo magaalada Muqdisho ay yeelato.

Garoonkaan ayaa haddii la hirgeliyo noqon doona kii ugu weynaa ee dalku uu yeesho waxaa uuna dabooli doonaa baahiyo badan maadaama uu noqon doono mid baaxad weyn oo la jaanqaadi kara garoomada Caalamiga ah ee dunida.

Previous Post

Shirka Sanad-laha ah ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo ka dhacay Caasimadda Kampala+Sawirro

Next Post

Aqalka sare ee BFS oo kulan ku leh Muqdisho

Next Post
Aqalka sare ee BFS oo kulan ku leh Muqdisho

Aqalka sare ee BFS oo kulan ku leh Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In