Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa daawada xoolaha iyo biyo dhaamin ka bilawday deegaanno ka tirsan Degmada Caabudwaaq oo reer guraa badan ka dageen suuda roob ka’ay Deegaanka bilowga bishii Oktoobar
Gurmadkaan oo isugu jira qeybinta Baagaga biyaha lagu kaydsado, Daaweynta Xoolaha jiran iyo biyo dhaamin oo socon doona muddo kooban ayaa maanta si rasmi ah waxaa wasaarada ay uga bilowday deegaano hoostaga degmada Caabudwaaq, kuwaas oo ay ka jiraan biyo la’aan soo food saartay xoolo aad u farabadan oo dhawaan yimid deegaanka.
Qaar ka mid ah Qoysaska ka faa’iideystay Deeqdan biya dhaaminta oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa uga mahadceliyay Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug, iyagoo codsaday in kaalmo beni’aadanimo lala soo gaaro.
Isu-duwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug Axmed Xuseen Maxameed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gurmadkani uu qeyb ka yahay kuwa Wasaarasda ay dhawaan ka bilowday deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ugu horeysay Gobolka Mudug, haatanna ay ka wadaan dhanka Gobolka Galgaduud.